Wasiirka Wasaarada Haweenka dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Sahra Cali Samatar ayaa sheegtay dowladda Soomaaliyeed ee la dhisayo hadii Haweenka Soomaaliyeed ay ka helaan Qeebtooda ku aadan Boqolkiiba Soddon in ay la imaan doonaan isbedel la taaban karo.

Marwo Sahra Cali Samatar ayaa u balan qaaday umada soomaaliyeed hadii ay Qoondadooda helaan ay dalka wax badan ku soo kordhin doonaan haweenka soomaaliyeed.

“waxaan hubaa hadii haweynka qoondadooda oo sax ah la siiyo ay dowlada cusub ee la filayo in dhawaan la dhiso,laga dareemi doono is bedel la taaban karo,haweenka waa laf dhabar waxay hor seedi doonaan nabad iyo xasilooni,waxaan balan qadaynaa in aan soo xulno haweyn karti leh aqoontooduna sareyso”sidaas waxaa yiri wasiirka Wasaarada haweynka Sahra Cali samatar.

Ugu danbeentii wasiiradda ayaa u mahad celisay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku mideysan Madasha Wadatashiga Qaran oo isku raacay in Haweenka Soomaaliyeed Qoondadooda xaga siyaasada ee Boqolkiiba Soddon ay helaan